Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalaya Shirka Cimilada COP31 ee ka Dhacaya Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay u safraan magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada, COP31.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shir-madaxeedka Antalya oo qayb ka ah kulamada COP31, isaga oo diiradda saari doona saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo qorshayaasha dowladda ee lagu yareynayo waxyeellada ka dhalata arrintan.

Khudbaddiisa ayaa la filayaa inay si gaar ah u taabato horumarinta tamarta cagaaran, la dagaallanka nabaad-guurka dhulka iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda dalka ee u adkeysiga abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhasha isbeddelka cimilada.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo ay dalka sannadihii u dambeeyay soo noqnoqdeen abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado saameeyay nolosha dadka, xoolaha, beeraha iyo dhaqaalaha dalka.

Ka qaybgalka shirkan ayaa dowladda Soomaaliya u noqonaya fursad ay beesha caalamka ugu bandhigto caqabadaha deegaanka ee dalka haysta, isla markaana ay ku raadiso taageero dhaqaale iyo mid farsamo oo lagu xoojinayo la qabsiga isbeddelka cimilada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeelan doona madaxda iyo wakiillada dalalka ka qaybgalaya shirka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dhinac iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo dalalka kale.

Shirweynaha COP31 oo ka furmay magaalada Antalya 9-kii Nofeembar, ayaa soconaya ilaa 20-ka bisha, waxaana ka qaybgalaya madaxda dowladaha, hay’adaha caalamiga ah iyo khubarada arrimaha deegaanka. SONNA +3

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments