Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga ka Jaray Xarumo Dowladeed oo ku Yaalla Jowhar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in baahiyaha ugu waaweyn ee dalka uu maanta wajahayo ay tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad-goboleedka Hirshabeelle, xilli uu xarigga ka jarayay xarunta Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Hirshabeelle, taas oo qeyb ka ah xarumaha dowladeed ee laga hirgeliyay magaalada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Hirshabeelle iyo garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee Maxamed Dheere, kuwaas oo la filayo inay door ka qaataan horumarinta adeegyada dowladda iyo isku socodka bulshada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa munaasabadahaas ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay baahida loo qabo in la mideeyo dadaallada dowladda iyo bulshada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin awood muhiim u ah mustaqbalka dalka, loona baahan yahay in la siiyo fursado ay kaga qeyb qaataan hoggaaminta, amniga iyo horumarka bulshada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments