Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarumaha cusub ee Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Amniga Hirshabeelle

JOWHAR – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo loo dhisay xarunta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Dhismayaashan oo…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarumaha cusub ee Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Amniga Hirshabeelle

JOWHAR – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo loo dhisay xarunta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dhismayaashan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha hay’adaha dowliga ah ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey hoggaanka Hirshabeelle dadaalka ay ku bixinayaan dhismaha iyo tayeynta xarumaha dowladda, isaga oo sheegay in maalgelinta kaabeyaasha hay’adaha dowladdu ay muhiim u tahay horumarinta adeegyada bulshada, hufnaanta maamulka iyo xoojinta dowladnimada.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kula dardaarmay xubnaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle in ay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, isla markaana go’aannadooda ku saleeyaan danta guud iyo horumarka dadka ay metelaan.

Munaasabaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku joogo magaalada Jowhar, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay madaxda iyo bulshada Hirshabeelle.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments