Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in la xoojiyo nabadda iyo wadajirka bulshada, isaga oo sheegay in horumarka iyo nolosha wanaagsan ee bulsho kasta ay saldhig u tahay nabad waarta.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu soo gabagabeynayay soo dhaweynta iyo martigelinta mas’uuliyiintii iyo marti-sharaftii ka qeybgalay caleema-saarka hoggaanka cusub ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, taas oo ka dhacday magaalada Jowhar.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta nabadda, isaga oo xusay in dhinacyada ay khilaafaadka siyaasadeed kala dhexeeyaan ay muhiim tahay in la helo wada-hadal iyo is-afgarad.




From the comments