Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu ka dhacayo shir aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Nairobi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kenya, oo uu hoggaaminayay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inuu shir-guddoomiyo kulanka aan caadiga ahayn ee guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga hay’adaha sharci-dejinta ee gobolka.




From the comments