Muqdisho – 27 Oktoobar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay, kaas oo looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo warbaahinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo ka hortagga faafinta wararka been-abuurka ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Golaha Shacabka iyo warbaahinta, kor loogu qaadi lahaa hufnaanta xogta la gudbinayo, loona xaqiijin lahaa in bulshada Soomaaliyeed ay hesho xog sugan oo ku saabsan howlaha baarlamaanka iyo arrimaha qaranka.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in warbaahinta xorta ah, gaar ahaan tan sameysa dabagal iyo dhaliil wax-ku-ool ah, ay door muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, daahfurnaanta hay’adaha dowladda iyo isla xisaabtanka.




From the comments