Muqdisho, 27 Oktoobar 2026 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka, hawlaha Golaha Shacabka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray midnimada iyo difaaca qaranka, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka ah, si aragtiyaha iyo talooyinka shacabka ay uga muuqdaan hannaanka sharci-dejinta iyo isla-xisaabtanka.
Wadatashiga ayaa qayb ka ahaa barnaamijka Gole Kaab, oo fududeeya xiriirka Golaha Shacabka iyo bulshada, isla markaana u suurtageliya muwaadiniinta inay gudbiyaan cabashooyinkooda, fikradahooda iyo talooyinkooda ku saabsan hawlaha baarlamaanka.




From the comments