Goobjoog

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo Wasiirka Gaashaandhigga kala hadlay mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada

Muqdisho, 25 Oktoobar 2026 – Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan isla-xisaabtan ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, kaas oo looga hadlay mushaaraadka ciidamada,…

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo Wasiirka Gaashaandhigga kala hadlay mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada

Muqdisho, 25 Oktoobar 2026 – Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan isla-xisaabtan ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, kaas oo looga hadlay mushaaraadka ciidamada, xuquuqda agoonta iyo naafada ciidanka iyo caqabadaha horyaalla dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Difaaca, Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Dhookir, ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Agaasimaha Guud iyo saraakiil kale oo wasaaradda ka tirsan.

Guddiga ayaa si gaar ah uga hadlay mushaaraadka laga jaray ciidamada iyo xuquuqda agoonta iyo naafada Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo adkeeyay inaan la aqbali karin in la dhimo xuquuqda iyo mushaaraadka ciidamada naftooda u huray difaaca dalka, iyo sidoo kale agoonta iyo naafada ciidanka, iyadoo aan si buuxda loo tixgelin duruufahooda iyo xuquuqda ay leeyihiin.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, ka fogaanshaha ku milanka siyaasadda, ka hortagga adeegsiga khaldan ee ciidamada iyo caqabadaha la xiriira darajooyinka ciidanka oo u baahan xal waara.

Guddiga Difaaca ayaa bogaadiyay Wasiirka iyo howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhigga, iyagoo ku ammaanay sida daahfurnaanta leh ee ay u soo bandhigeen caqabadaha jira iyo xalalka loo baahan yahay.

Ugu dambeyn, Guddiga iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa isku afgartay in la joogteeyo kulamada isla-xisaabtanka iyo korjoogteynta, si loo xoojiyo hufnaanta shaqada Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, loona xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda ciidamada iyo horumarinta awoodda difaaca dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments