Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, ayaa ka badbaaday mooshin xil-ka-qaadis ah oo maanta la horgeeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Codeyn gacantaag ah oo ka dhacday Golaha Shacabka ayaa waxaa mooshinka ka horyimid 89 xildhibaan, halka 50 xildhibaan ay taageereen, shan kalena ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Mooshinka ayaa waxaa saxiixay ugu yaraan 20 xildhibaan, kuwaas oo wasiirka u jeediyay eedeymo culus. Hase yeeshee, codeynta kadib, wasiirka ayaa sii haynaya xilkiisa, iyadoo guddoomiyuhu faray inuu sii wato waajibaadkiisa shaqo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in wasiirku helay codka kalsoonida ee Baarlamaanka, isagoo arrinta la xiriiriyay qodobka 119-aad ee Dastuurka dalka.
Dhankiisa, Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan ayaa u mahadceliyay xildhibaannada, wuxuuna ballan qaaday inuu sii xoojin doono dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.
Xilligii gacanta wasiirka ayaa isku codeeyay maadaama uu yahay Xildhibaan golaha ka tirsan.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta kala dhexeysa Baarlamaanka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, la isku halleyn karo, isla markaana loo siman yahay.
From the comments