Qiimaha lagu kireeyo maraakiibta waaweyn ee shidaalka qaada ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey ee abid la diiwaangeliyo, iyadoo xiisadaha ka jira marinnada badda ee Bariga Dhexe ay kordhiyeen khatarta iyo kharashka gaadiidka saliidda.
Kirada markab weyn oo saliid ka qaada Gacanka Cumaan una socda Shiinaha ayaa gaartay qiyaastii $11.50 foostadii.
Tani waa heerkii ugu sarreeyey tan iyo markii la bilaabay cabbirka lagu qiimeeyo kharashka maraakiibta waaweyn ee qaada saliidda cayriin.
Kororka waxaa loo aaneynayaa weerarrada lagu qaaday maraakiibta, khatarta ka jirta marin-biyoodka Hormuz iyo dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta ee Bab al-Mandab.
Shirkadaha maraakiibta ayaa sidoo kale wajahaya caymis qaali ah iyo baahi loo qabo inay maraakiibta ka leexiyaan marinnada halista badan.
Yaraanta maraakiibta diyaar u ah inay galaan safarrada khatarta leh ayaa sii kordhisay qiimaha kirada, ayadoo qaar ka mid ah milkiilayaasha maraakiibta ay ka gaabsanayaan marinnada ay weerarradu ka dhacayaan, halka kuwa aqbala safarradaas ay dalbanayaan lacag dheeraad ah oo khatarta lagu daboolayo.
Kharashka sare ee gaadiidka badda wuxuu ku dambayn karaa inuu kordhiyo qiimaha shidaalka iyo badeecadaha kale ee caalamka. Reuters ayaa sheegtay in saameyntu aysan ku koobnayn Bariga Dhexe, balse ay gaartay marinnada shidaalka ee isku xira Galbeedka Afrika iyo Aasiya.
Soomaaliya oo si weyn ugu tiirsan shidaalka iyo badeecadaha dibadda laga soo dejiyo ayaa laga yaabaa inay dareento kororka kharashaadka gaadiidka. Hase yeeshee, weli lama xaqiijin qiime cusub oo gudaha dalka ka dhashay arrintan, saameyntuna waxay ku xirnaan doontaa muddada ay carqaladaha badda sii socdaan.
From the comments