Goobjoog

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka Afrika ee badeecadahooda canshuur la’aan ku geyn kara Midowga Yurub

Soomaaliya ayaa ka mid ah 33 dal oo Afrikaan ah oo badeecadahooda u dhoofin kara dalalka Midowga Yurub iyada oo aan laga qaadin canshuuraha kastamka, isla markaana aan lagu xaddidin…

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka Afrika ee badeecadahooda canshuur la’aan ku geyn kara Midowga Yurub

Soomaaliya ayaa ka mid ah 33 dal oo Afrikaan ah oo badeecadahooda u dhoofin kara dalalka Midowga Yurub iyada oo aan laga qaadin canshuuraha kastamka, isla markaana aan lagu xaddidin tirada badeecadaha la dhoofinayo, sida ay sheegtay Wakiillada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Qoraal ay Wakiilladu ku baahiyeen baraha bulshada ayay ku sheegeen in Soomaaliya ay ka faa’iideysan karto nidaamka ganacsi ee loo yaqaan Wax Kasta Marka Laga Reebo Hubka (Everything But Arms), kaas oo dalalka ugu saboolsan dunida u oggolaanaya inay badeecadahooda u dhoofiyaan suuqyada Midowga Yurub iyaga oo aan bixin canshuuraha kastamka, marka laga reebo hubka iyo rasaasta.

Midowga Yurub ayaa sheegay in fursaddan ganacsi aysan lahayn waqti go’an oo ay ku eg tahay, isla markaana ay dhiirrigelin u noqon karto ganacsatada Soomaaliyeed si ay u ballaariyaan wax-soo-saarkooda, una kordhiyaan badeecadaha ay u dhoofiyaan suuqyada caalamka.

Fursaddan ayaa muhiim u noqon karta kobcinta ganacsiga Soomaaliya, dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha iyo abuurista fursado dhaqaale, haddii ganacsatada Soomaaliyeed ay awoodaan inay soo saaraan badeecado buuxiya shuruudaha tayada iyo dhoofinta ee Midowga Yurub.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments