Goobjoog

Mareykanka oo Qorsheynaya inuu Dalalka Afrika Qaarkood ka Saaro Barnaamijka Ganacsi ee AGOA

Dowladda Mareykanka ayaa wada qorshe la xiriira joojinta ka-qaybgalka dalalka Koonfur Afrika iyo Rwanda ee barnaamijka ganacsi ee AGOA, kaas oo dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika u oggolaanaya inay badeecooyinkooda ku dhoofiyaan suuqyada Mareykanka iyaga oo aan bixin canshuuraha kastamka ee badeecooyin badan.

Mareykanka oo Qorsheynaya inuu Dalalka Afrika Qaarkood ka Saaro Barnaamijka Ganacsi ee AGOA

Dowladda Mareykanka ayaa wada qorshe la xiriira joojinta ka-qaybgalka dalalka Koonfur Afrika iyo Rwanda ee barnaamijka ganacsi ee AGOA, kaas oo dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika u oggolaanaya inay badeecooyinkooda ku dhoofiyaan suuqyada Mareykanka iyaga oo aan bixin canshuuraha kastamka ee badeecooyin badan.

Barnaamijka AGOA oo la aasaasay sanadkii 2000 ayaa waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo xiriirka ganacsi ee Mareykanka iyo dalalka Afrika, isla markaana kor loogu qaado wax-soo-saarka, dhoofinta iyo kobaca dhaqaalaha dalalka ka faa’iideysta.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa 2-dii November 2026 ogeysiiyay Kongareeska Mareykanka iyo dowladaha labada dal in uu doonayo in laga joojiyo faa’iidooyinka barnaamijkan laga bilaabo 1-da Janaayo 2027.

Sida uu sheegay Wakiilka Ganacsiga Mareykanka, Jamieson Greer, go’aanka ayaa ka dambeeyay qiimeyn sanadle ah oo lagu sameeyay u-hoggaansanaanta shuruudaha AGOA.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay caqabadaha ganacsiga iyo maalgashiga, musuqmaasuqa, ku dhaqanka sharciga, xuquuqda aadanaha iyo shaqaalaha, iyo arrimo la xiriira amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Dhanka Koonfur Afrika, Mareykanka ayaa si gaar ah u xusay caqabadaha ganacsiga iyo maalgashiga, musuqmaasuqa iyo arrimaha amniga, halka Rwanda-na laga muujiyay walaac ku saabsan xuquuqda aadanaha, xuquuqda shaqaalaha, xorriyadda siyaasadeed iyo ku dhaqanka sharciga.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee ka faa’iideysta barnaamijka AGOA, iyadoo sanadkii 2025 ay Mareykanka u dhoofisay badeecooyin qiimahoodu gaarayo ku dhowaad 1.7 bilyan oo doollar.

Badeecooyinkaasi waxaa ka mid ah qaybaha baabuurta, miraha liinta iyo khamriga, Rwanda dhankeeda waxay Mareykanka u dhoofisaa waxyaabo ay ka mid yihiin bunka iyo macdanta.

Dhanka kale, Itoobiya oo hore uga mid ahayd dalalka sida weyn uga faa’iideysta AGOA, gaar ahaan dharka iyo wax-soo-saarka dharka, ayaa laga saaray barnaamijka 1-dii Janaayo 2022, xilligii maamulka madaxweynihii hore Joe Biden.

Go’aankan ayaa haddii uu dhaqan galo 2027 saameyn ku yeelan kara ganacsiga iyo dhoofinta labada dal, waxaana weli fursad u furan in dowladaha ay khuseyso ay wadahadal la yeeshaan Washington si ay wax uga beddelaan xaaladda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments