Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamal Maxamed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha Qatar u qaabilsan Arrimaha Ganacsiga Dibadda, Dr. Ahmad Al-Sayed, kaas oo ka dhacay Madasha Maalgashiga Adduunka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Qatar, iyo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo maalgashi iyo iskaashi oo ay ka faa’iideystaan ganacsatada labada dal.
Wasiir Gamal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Qatar ay leeyihiin xiriir iyo iskaashi soo jireen ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii horumarinta xiriirkaas iyo kordhinta ganacsiga labada dhinac.




From the comments