Goobjoog

Muqdisho oo lagu daah-furay Bandhigga Caalamiga ah ee Wax-soo-saarka iyo Warshadaha Soomaaliya

Muqdisho, Sebteembar 22, 2026 — Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Bandhigga Caalamiga ah ee Wax-soo-saarka, Warshadaha iyo Habaynta Soomaaliya (SOMIPEX), oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo wax-soo-saarka gudaha…

Muqdisho oo lagu daah-furay Bandhigga Caalamiga ah ee Wax-soo-saarka iyo Warshadaha Soomaaliya

Muqdisho, Sebteembar 22, 2026 — Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Bandhigga Caalamiga ah ee Wax-soo-saarka, Warshadaha iyo Habaynta Soomaaliya (SOMIPEX), oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo wax-soo-saarka gudaha dalka, isla markaana lagu mideeyo warshadleyda, ganacsatada iyo maalgashadayaasha.

Bandhiggan ayaa fursad u siinaya shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay bulshada iyo suuqa caalamka tusaan waxyaabaha gudaha dalka lagu soo saaro, kuwa la farsameeyo iyo awoodda warshadaha Soomaaliya.

SOMIPEX ayaa sidoo kale diiradda saaraya sidii loo dhiirrigelin lahaa wax-soo-saarka gudaha, maalgelinta warshadaha iyo abuurista suuqyo cusub oo ay gaaraan badeecooyinka lagu soo saaro Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa lagu daah-furayaa hannaanka “Made in Somalia — Lagu Sameeyey Soomaaliya”, kaas oo loogu talagalay in lagu aqoonsado laguna dhiirrigeliyo badeecooyinka gudaha lagu sameeyo.

Bandhigga ayaa la filayaa inuu noqdo madal ay isugu yimaadaan ganacsatada, warshadleyda, maalgashadayaasha iyo daneeyayaasha kale, si looga wada hadlo fursadaha jira iyo horumarinta wax-soo-saarka iyo warshadaha dalka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments