Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen laba markab oo shidaal oo Sacuudi Carabiya leedahay, taasoo sii xoojisay xiisadda ka taagan Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.
Sida ay Xuutiyiintu sheegeen, weerarka ayaa qayb ka ah go’doomin badeed ay ku dhawaaqeen inay ku hayaan Sacuudi Carabiya, ayadoo dowladda Sacuudigu ay xaqiijisay in markabka Encelia uu dab qabsaday kadib weerarka, halka wararka ku saabsan markabka labaad ee Layla aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Dhacdadan ayaa timid xilli maraakiib badani ay bilaabeen inay beddelaan waddooyinkooda si ay uga fogaadaan Bab al-Mandab, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo in sahayda shidaalka caalamka ay wajahdo carqalad cusub.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegay inuu galay habeenkii 12-aad oo xiriir ah oo uu duqeymo ka fulinayo bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iiraan, halka Tehran ay ku dhawaaqday inay weerarro ku qaaday saldhigyo iyo xarumo militari oo Mareykanku ku leeyahay dalal ay ka mid yihiin Jordan iyo Kuwait.
Madaxweyne Donald Trump ayaa uga digay Iiraan in haddii maraakiibta lagu sii weeraro marin-biyoodka Hormuz, Mareykanku uu beegsan doono kaabeyaasha muhiimka ah ee dalkaas.
Iiraan ayaa iyaduna ku hanjabtay inay bartilmaameedsan doonto xarumaha shidaalka, gaaska iyo tamarta ee gobolka haddii hanjabaaddaas la fuliyo.
Khubarada amniga ayaa ka digaya in haddii Bab al-Mandab iyo Marinka Hormuz labaduba ay xirmaan ama khatar galaan, ay taasi si weyn u saameyn karto ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan dhoofinta shidaalka, isla markaana ay sare u qaadi karto qiimaha tamarta dunida.
Dagaalka sii xoogeysanaya ayaa sidoo kale sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo labada dhinac ay weli sii wadaan weerarro is-daba joog ah, halka beesha caalamku ay muujinayso walaac sii kordhaya oo ku saabsan khatarta dagaalku ku yeelan karo gobolka iyo dhaqaalaha adduunka.
From the comments