Goobjoog

Wararka Caalamka

Mareykanka oo Shaaciyay xilliga la maxkamadaynayo Madaxweynihii hore ee Venezuela

Mareykanka ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee maxkamadda la soo taagi doono Madaxweynihii hore ee dalka Venezuela oo bilo ka hor xukunka laga tuuray.

Mareykanka oo Shaaciyay xilliga la maxkamadaynayo Madaxweynihii hore ee Venezuela

Mareykanka ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee maxkamadda la soo taagi doono Madaxweynihii hore ee dalka Venezuela oo bilo ka hor xukunka laga tuuray.

Garsoore ka tirsan maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Mareykanka ayaa u muddeeyay 1-da Juun 2027 in la bilaabo dacwadda loo haysto madaxweynihii hore ee Venezuela, Nicolas Maduro, iyo xaaskiisa Cilia Flores.

Labadoodu way iska diideen eedeymaha la xiriira ka ganacsiga daroogada, iyagoo sheegay in aysan wax dambi ah gelin, balse Mareykanka ayaa ku adkaysanaya in dacwad lagu oogo lamaanahan muddada dheer ka talinayay dalka haysta kheyraadka ugu badan ee shidaalka adduunka.

Muddayntan ayaa timid ka dib gar-mal hordhac ah oo maxkamaddu ay ku dhageysatay kiiska, ayadoo intii uu socday dhegeysiga maxkamadda oo qaatay ku dhowaad 15 daqiiqo, Maduro iyo xaaskiisu aysan wax hadal ah jeedin.

Qareenka Maduro, Barry Pollack, ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu ka hor yimaado sharciyadda howlgalka militari ee Mareykanku ku qabtay Maduro bishii Janaayo 2026, isagoo sidoo kale ku doodi doona in Maduro uu leeyahay difaac sharci oo la xiriira madax-bannaanida dowladeed (sovereign immunity).

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dooday in howlgalka lagu soo qabtay Maduro uu ahaa mid lagu fulinayay sharciyada la dagaallanka dambiyada, iyadoo lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay shabakad daroogo oo cocaine u dhoofin jirtay Mareykanka.

Dowladda Venezuela iyo khubaro badan oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah ayaa dhankooda ku tilmaamay howlgalkaasi mid ka baxsan sharciga caalamiga ah.

Maduro ayaa wajahaya afar dacwadood oo ay ku jiraan shirqool argagixiso oo la xiriira daroogo, iyo qorshe lagu soo gelinayay cocaine gudaha Mareykanka.

Haddii lagu helo dambiyadaasi, waxaa suuragal ah inuu wajaho xabsi daa’in, ayadoo dhinaca kale, maamulka ku meel gaarka ah ee Venezuela uu hadda hoggaaminayo Delcy Rodríguez.

Get Goobjoog updates

From the comments