Goobjoog

Wararka Caalamka

Mareykanka oo Habeenkii Sagaalaad oo Xiriir ah Weerarro Ka Fuliyay Gudaha Iiraan

Ciidamada Mareykanka ayaa habeenkii sagaalaad oo xiriir ah qaaday weerarro dhinaca cirka ah oo lagu beegsaday bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla gudaha Iiraan, sida uu shaaciyay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka CENTCOM, duqeymahan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumaha taliska ciidamada, nidaamyada difaaca cirka, iyo xarumaha lagu ilaaliyo xeebaha Iiraan.

Weerarradan ayaa qeyb ka ah ololaha militari ee Mareykanku sheegay inuu ku wiiqayo awoodaha milatari ee Iiraan,
Waxaana sidoo kale la sheegay in la burburiyay goobo lagu kaydiyo ama laga rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), awoodaha ciidamada badda, iyo shabakadaha isgaarsiinta ee loo adeegsado hawlgallada milatari.

Weerarradan isdaba joogga ah ayaa muujinaya sii xoogeysanaya xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, iyadoo weli laga cabsi qabo in xaaladdu isu beddesho iska horimaad ballaaran oo saameyn ku yeesha gobolka Bariga Dhexe.

Dowladda Iiraan ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin khasaaraha ka dhashay duqeymihii ugu dambeeyay, balse waxay dhinaceeda waddaan duqeymo lagu beegsanayo saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Get Goobjoog updates

From the comments