Goobjoog

Wararka Caalamka

UK oo Shaaciyay Sababta Geerida Amiir Sacuudiyaan ah oo meydkiisa laga Hoteel ku Yaalla London

Maxkamad baaritaan oo ku taalla magaalada London ayaa soo saartay natiijada baaritaanka geerida Amiir Cabdullaahi bin Fahad bin Cabdullaahi bin Cabdulcasiis bin Jalawi Al Saud, iyadoo lagu sheegay inuu u geeriyooday isku-darka khamri iyo maandooriye kale, halka aan la helin wax caddeyn ah oo muujinaysa is dilid ama fal-dambiyeed.

UK oo Shaaciyay Sababta Geerida Amiir Sacuudiyaan ah oo meydkiisa laga Hoteel ku Yaalla London

Maxkamad baaritaan oo ku taalla magaalada London ayaa soo saartay natiijada baaritaanka geerida Amiir Cabdullaahi bin Fahad bin Cabdullaahi bin Cabdulcasiis bin Jalawi Al Saud, iyadoo lagu sheegay inuu u geeriyooday isku-darka khamri iyo maandooriye kale, halka aan la helin wax caddeyn ah oo muujinaysa is dilid ama fal-dambiyeed.

Amiirka oo 29 jir ahaa kana tirsanaa qoyska boqortooyada Sacuudiga ayaa meydkiisa laga helay 25-kii November 2025 gudaha musqusha qolkiisa oo ku yaallay hoteelka Marriott Hotel ee degmada Kensington, galbeedka magaalada London.

Baaritaanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in amiirku uu dhiiggiisa ku jiray heer khamri ah oo ku dhowaad saddex jibbaar ka sarreeyay xadka sharciga ee loo oggol yahay darawallada England.

Sidoo kale waxaa laga helay maandooriyaha GHB, oo loo yaqaan “party drug”, xashiishad iyo dawooyinka dejinta ee ay ka mid yihiin Xanax (alprazolam) iyo dawooyin kale oo loo isticmaalo welwelka.

Dhakhaatiirta baaritaanka sameeyay ayaa sheegay in isku-darka walxahaasi uu sababay wadne istaag, k
taasoo ugu dambeyn sababay geeridiisa.

Warbixinta maxkamadda ayaa sidoo kale xustay in amiirku muddo bilo ah ka hor geeridiisa uu ku jiray xarumo caafimaad oo gaar loo leeyahay oo lagu daweeyo dadka la tacaalaya balwadda khamriga iyo dawooyinka dejinta.

Waxaa lagu daaweeyay xarunta caanka ah ee Priory Clinic ee London iyo xarun kale oo ku taalla gobolka Merseyside, halkaas oo la sheegay inuu si wanaagsan uga qaatay daaweynta.

Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ayaa maxkamadda u sheegay in amiirku uusan muujin wax calaamado ah oo la xiriira ismiidaamin, isla markaana uu si wanaagsan uga qayb qaatay daaweynta intii uu ku jiray xarumaha caafimaadka.

Kaamirooyinka amniga (CCTV) ayaa muujiyay in habeenkii ka horreeyay geeridiisa uu keligiis ka baxay hoteelka si uu sigaar u cabo, kadibna uu kaligiis ugu soo laabtay qolkiisa, baarayaashuna ma helin wax caddeyn ah oo muujinaysa in qof kale ku lug lahaa geeridiisa.

Kaaliyaha baaraha geerida ee UK, Jean Harkin, ayaa warbixinta ku soo gabagabeysay in geeridu ahayd shil ka dhashay isticmaalka isku-darka maandooriyaha iyo khamriga, iyadoo aan jirin wax tilmaamaya ismiidaamin ama faragelin qof kale.

Waxay sidoo kale tacsi u dirtay qoyska boqortooyada Sacuudiga.
Kiiskan ayaana si weyn u soo jiitay warbaahinta caalamka, maadaama uu khuseeyo xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Get Goobjoog updates

From the comments