Goobjoog

Wararka Caalamka

Sida Hamad bin Khalifa Al Thani uu dalkiisa Qatar uga dhigay awood Dhaqaale oo xoog leh

Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala Thaani, ayaa geeriyooday isagoo 74 jir ah, isagoo ka tegay dhaxal dhaqaale iyo horumar ballaaran oo si weyn u beddelay mustaqbalka dalka Qatar.

Sida Hamad bin Khalifa Al Thani uu dalkiisa Qatar uga dhigay awood Dhaqaale oo xoog leh

Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala Thaani, ayaa geeriyooday isagoo 74 jir ah, isagoo ka tegay dhaxal dhaqaale iyo horumar ballaaran oo si weyn u beddelay mustaqbalka dalka Qatar.

Sheekh Xamad oo dalka hoggaaminayay intii u dhaxaysay 1995 illaa 2013 ayaa lagu tilmaamaa hoggaamiyihii Qatar ka dhigay mid ka mid ah dalalka ugu qanisan uguna saamaynta badan caalamka, isaga oo ka faa’iidaystay khayraadka gaaska dabiiciga ah si loo dhiso dhaqaale waara.

Markii uu talada qabtay sanadkii 1995, dhaqaalaha Qatar wuxuu ku tiirsanaa saliidda, halka keydka weyn ee gaaska dabiiciga ah ee North Field aanu weli si buuxda uga faa’iidaysan.

Dowladdii uu hoggaaminayay ayaa dardargelisay maalgelinta warshadaha gaaska dareeraha ah (LNG), taasoo Qatar ka dhigtay dhoofiyaha ugu weyn LNG-ga dunida muddo ka yar 15 sano.

Kororka wax-soo-saarka gaaska ayaa horseeday koboc dhaqaale oo aan hore loo arag, waxaana wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) uu ka kordhay ku dhawaad 8 bilyan oo doollar sanadkii 1995 ilaa qiyaastii 199 bilyan oo doollar sanadkii 2013, halka dakhliga qofkiiba uu noqday midka ugu sarreeya caalamka.

Si loo hubiyo in dakhliga tamarta uu noqdo mid waara, Sheekh Xamad wuxuu aasaasay Hay’adda Maalgashiga Qatar (Qatar Investment Authority – QIA), oo maanta lagu qiyaaso inay maamusho hanti ka badan 500 bilyan oo doollar.

Hay’addu waxay maalgelin ku samaysay shirkado iyo hanti caan ka ah dunida, taasoo Qatar ka dhigtay maalgeliyaha dowladeed ee ugu waaweyn caalamka.

Dhanka horumarinta bulshada, xukuumaddiisu waxay xoogga saartay waxbarashada, caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaana la aasaasay Qatar Foundation, ayadoo dalka la keenay jaamacado caalami ah, iyadoo sidoo kale la dhisay garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport, dekedda Hamad Port, magaalada Lusail iyo mashaariic kale oo waaweyn.

Mashaariicdaas ayaa gogol xaar u noqday in Qatar ay martigeliso Koobka Adduunka ee FIFA 2022, iyadoo dalka lagu maalgeliyay in ka badan 200 bilyan oo doollar oo lagu horumarinayay waddooyinka, garoomada ciyaaraha, tareennada iyo kaabeyaasha kale.

Sannadkii 2008, dowladda Qatar waxay soo bandhigtay Qatar National Vision 2030, oo ah qorshe istaraatiiji ah oo lagu dhisayo dhaqaale ku saleysan aqoon, hal-abuur iyo maalgelin waarta, si loo yareeyo ku tiirsanaanta dakhliga saliidda iyo gaaska.

Inkastoo Sheekh Xamad uu xilka wareejiyay wiilkiisa, Amiirka hadda talada haya Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala Thaani, haddana siyaasadaha dhaqaale ee uu dejiyay ayaa weli saldhig u ah horumarka Qatar.

Geerida Sheekh Xamad ayaa lagu xusuusan doonaa hoggaamiye ka beddelay Qatar dal yar oo Khaliijka ku yaalla una rogay quwad dhaqaale iyo maalgashi oo saamayn weyn ku leh gobolka iyo caalamkaba.

Get Goobjoog updates

From the comments