Goobjoog

Wararka Caalamka

Niger oo Faransiiska ku eedeeyay weerarro ka dhacay caasimadda dalkaas

Dowladda militariga ee Niger ayaa si kulul u eedeysay dowladda Faransiiska, iyadoo sheegtay inay hayso caddeymo muujinaya in Paris ay maalgelin iyo tababar siisay dagaalyahanno ka tirsan kooxda hubeysan ee Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), oo ka dagaallanta dalal badan oo ka tirsan Galbeedka Afrika.

Afhayeen u hadlay militariga Niger ayaa sheegay in dowladda ay rumeysan tahay in Faransiisku door ku lahaa taageerada kooxda, isla markaana uu gacan ka geystay weerarro lagu bartilmaameedsaday dalka, oo ay ku jiraan weerarro ka dhacay agagaarka caasimadda Niamey intii lagu jiray sanadkan.

Mas’uuliyiinta Niger waxay sheegeen inay hayaan xog sirdoon iyo caddeymo ay ku doonayaan inay ku taageeraan eedeymahaas, hase yeeshee illaa hadda ma aysan soo bandhigin caddeymo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.

Dhanka kale, dowladda Faransiiska ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan cusub. Hore ayay Faransiisku u beenisay eedeymo la mid ah, isagoo sheegay in siyaasaddiisu tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka Saaxil.

Xiriirka Niger iyo Faransiiska ayaa sii xumaaday tan iyo afgambigii militariga ee dhacay sannadkii 2023.

Dowladda cusub ee Niger ayaa tan iyo markaas joojisay iskaashigii amniga ee ay la lahayd Faransiiska, waxayna dalbatay in ciidamada Faransiisku ka baxaan dalka. Niger ayaa sidoo kale xoojisay xiriirka ay la leedahay dalalka Mali iyo Burkina Faso, kuwaas oo ay wadaagaan maamullo militari.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in gobolka Saaxil uu weli wajahayo khataro amni oo sii kordhaya, iyadoo kooxaha hubeysan ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo shacabka rayidka ah.

Get Goobjoog updates

From the comments