Ciidanka Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqay inuu si buuxda dib ugu qabsaday waddada istaraatiijiga ah ee Al Sadarat, taas oo isku xirta caasimadda Khartuum iyo magaalada El-Obeid, kaddib laba maalmood oo dagaallo culus ay la galeen ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF.
War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada dowladda ayaa lagu sheegay in ay dib ula wareegeen magaalooyin iyo deegaanno muhiim ah oo ku yaalla waddadan, isla markaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada RSF, kuwaas oo lagu qasbay inay dib u gurtaan.
Dib u qabsashada waddadan ayaa la sheegay inay ciidamada Suudaan u fududeyn doonto inay si dhaqso leh ugu gudbiyaan ciidamo, hub, shidaal iyo sahay magaalada El-Obeid, isla markaana ay wiiqi doonto isku dayga RSF ee lagu doonayay inay la wareegaan magaaladaas oo ah xarunta gobolka North Kordofan.


From the comments