Xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa sii xoogeysatay, waxayna hadda laba dhinac is waydaarsanayaan weerarro iyo duqeymo xooggan.
Weerarradan ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh , ayadoo Madaxweyne Trump uu xaqiijiyay in ugu yaraan labo askari ay dhankooda uga dhimatay duqeymihii ugu dambeeyay.
Trump ayaa sheegay in dhimashada askartaasi ay tahay arrin aad u murugo badan,” isagoo yiri: “Waan necbahay inaan aragno arrintan oo dhacaysa, waxay u adeegayeen dalkooda.”
Saacado yar kaddib hadalkaas, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa shaaciyay in ciidamada Mareykanka ay bilaabeen duqeymo cirka ah oo cusub oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, kuwaas oo la sheegay in lagu fuliyay amar toos ah oo ka yimid Madaxweyne Trump.
CENTCOM ayaa sheegay in ujeeddada weerarradan ay tahay “in si degdeg ah loo ciqaabo ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC),” kuwaas oo Mareykanku ku eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarradii lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Jordan, kuwaas oo sababay dhimashada labada askari.
Duqeymahan cusub ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay isu beddesho iska horimaad ballaaran oo saameyn ku yeesha guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.
From the comments