Goobjoog

Wararka Caalamka

Maraykanka oo dib u soo celiyey xannibaadda dekedaha Iiraan, weerarro cusubna ka fuliyey dalkaas

Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa mar kale cirka isku shareertay, kadib markii Maraykanku dib u soo rogay xannibaad dhinaca badda ah oo lagu hayo dekedaha Iran, wax ka yar bil kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo loo arkayay tallaabo lagu yareynayo colaadda

Maraykanka oo dib u soo celiyey xannibaadda dekedaha Iiraan, weerarro cusubna ka fuliyey dalkaas

Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa mar kale cirka isku shareertay, kadib markii Maraykanku dib u soo rogay xannibaad dhinaca badda ah oo lagu hayo dekedaha Iran, wax ka yar bil kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo loo arkayay tallaabo lagu yareynayo colaadda.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu qaaday weerarro cusub oo socday ku dhawaad toddobo saacadood, kuwaas oo lagu beegsaday goobo militari, xarumo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), awoodaha ciidamada badda iyo difaacyada xeebaha ee Iran, gaar ahaan agagaarka marin-biyoodka Hormuz.

Dhinaca Iran, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in gantaallo Maraykan ah ay ku dhaceen xarumo ku yaalla magaalooyinka Chabahar iyo Bampur.

Wasaaradda Caafimaadka Iran ayaa sheegtay in weerarradaasi ay ku dhaawacmeen in ka badan 260 qof, halka in ka badan 30 qof oo rayid ah ay ku dhinteen.

Iiraan oo weerarro aargoosi ah qaaday
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay habeenkii ku qaadeen weerarro isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn saldhigyo iyo hanti militari oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla Baxrayn, Kuweyt iyo Urdun.

Kuweyt: Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in markab ka tirsan ciidamada badda lagu dhuftay weerar, iyadoo afar askari ay ku dhaawacmeen.
Baxrayn: Dowladda ayaa kicisay digniino duqeyn, waxayna shacabka ugu baaqday inay raacaan tilmaamaha amniga.

Iiraan ayaa ku dhawaaqday in heshiiskii is-afgaradka ee ay la gashay Maraykanka uusan hadda wax qiimo ah lahayn,Sidoo kalena ciidanka Ilaalada Kacaanku waxay ku hanjabeen inay carqaladeyn doonto dhoofinta shidaalka iyo gaaska Bariga Dhexe haddii cadaadiska Maraykanku sii socdo.

Dhanka kale, Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa shaacisay inay xanibtay hanti ka badan 130 milyan oo doolar, iyadoo cunaqabateyn saartay boorsooyin lacagaha dijitaalka ah (cryptocurrency) oo lala xiriiriyay Bangiga Dhexe ee Iiraan.

Safiirka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa qoraal uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay Maraykanka inuu jebiyey ballanqaadyadii heshiiska isla markaana uu yahay dhinaca bilaabay colaadda.

Dib u soo noqoshada xannibaadda dekedaha Iiraan iyo is-weydaarsiga weerarrada ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga marin-biyoodka Hormuz iyo suurtagalnimada in colaaddu ku sii fido dalalka Khaliijka, iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee lagu doonayo in dib loogu laabto wada-hadal diblomaasiyadeed.

Get Goobjoog updates

From the comments