Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka, Marco Rubio, ayaa si dhab ah ula wareegay maamulka iyo go’aannada fulinta ee dalka Venezuela ka dib xariggii Madaxweyne Nicolas Maduro. Sida ay sheegtay warbixin ay daabacday warbaahinta New York Times, saraakiisha ugu sarraysa dalkaas ayaa hadda Rubio u aqoonsaday magaca “Viceroy” (Kuxigeenka Boqorka) sababo la xiriira awoodda buuxda ee uu u leeyahay hoggaaminta dalkaas isaga oo jooga xafiiskiisa Washington.
Warbixinta ayaa muujisay in dawladda Maraykanka ay gacanta ku hayso maamulka maaliyadda ee dalkaas, iyadoo Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ay maamusho inta badan dakhliga ka soo baxa dhoofinta agabka Venezuela.
Lacagaha ayaa loo qoondeeyaa bangiyada dalkaas sidii “lacagta jeebka” (pocket money), taasi oo Rubio iyo kooxdiisa siinaysa awoodda kowaad ee go’aaminta qarashka iyo kharashgaraynta dawladda.
Dhanka kale, hoggaamiyaha kumeelgaarka ah ee dalkaas, Delcy Rodríguez, oo xilka kula wareegtay barakada Washington, ayaa la sheegay inay awaamiirta tooska ah ka hesho Rubio iyadoo loo soo marinayo fariimaha “WhatsApp”, isagana uu ansixiyo magacaabista xilalka muhiimka ah.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Venezuela ayaa gebi ahaanba weysay madaxbannaanideedii wixii ka danbeeyay xariggii Maduro.
Washington ayaa ku qasabtay dawladda kumeelgaarka ah inay tirtirto qoraalladii lagu canbaaraynayay weeraradii Maraykanka ee ka dhanka ahaa dalka Iiraan, iyadoo, sidoo kale, lagu amray inay u dhiibto sharciga Maraykanka shakhsiyaadka loo haysto denbiyada ee halkaas ku duman.
Inkasta oo Mareykanku uu sheegay in ujeedka koowaad uu yahay kalaguur dimoqraadi ah, haddana hannaanka muuqda wuxuu muujinayaa in dib loo dhigay dimoqraadiyaddii, iyadoo go’aanka rasmiga ah ee xilliga ay doorashadu dhacayso uu hadda si buuxda ugu jiro gacanta Marco Rubio iyo kooxdiisa.
From the comments