Xiisadda Bariga Dhexe ayaa sii xoogeysatay, kadib markii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay ku dhawaaqeen inay fuliyeen weerar loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee dalka Kuwait.
saldhigga la weeraray waxaa ku sugan ciidamo Maraykan ah, wuxuuna sidoo kale hoy u yahay nidaam radar oo loogu talagalay digniinta hore ee weerarrada cirka.
War-saxaafadeedka Iiraan ayaa ku sheegay in weerarku uu jawaab u yahay duqeymihii ugu dambeeyay ee Maraykanku ka fuliyay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iiraan.


From the comments