Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay gebi ahaanba burburiyeen nidaamyada difaaca Patriot iyo bakhaarro shidaal ee ku yaalla saldhigyo Mareykanka ee dalalka Kuwait iyo Baxrayn.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay inay qaadeen weerarro cusub oo ay ku beegsadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla dalalka Kuwait iyo Baxrayn, iyadoo ku daray inay gebi ahaanba burburiyeen bakhaarro shidaal, nidaamyada difaaca cirka ee Patriot iyo nidaam radar oo istaraatiiji ah oo ku yaalla laba saldhig oo ciidan oo Kuwait ah.
Sida ay Iiraan sheegtay, weerarrada ayaa sidoo kale lala beegsaday xarumo ku yaalla saldhigga Sheikh Isa Air Base ee dalka Baxrayn, waxaana ka mid ahaa goobo dayactirka diyaaradaha, hangarro iyo xarumo lagu hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).


From the comments