Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 5.0 magnitude ayaa maanta ku dhuftay deegaanka Saland ee gobolka Khuzestan, oo ku yaalla koonfur-galbeed ee dalka Iiraan.
Warbaahinta dowladda Iiraan ee IRIB ayaa sheegtay in dhulgariirka laga dareemay deegaanno dhowr ah, iyadoo xuduntiisa lagu sheegay inay ahayd qoto dheer oo gaaraysa 12 kiiloomitir.
Ururka Bisha Cas ee Iiraan ayaa xaqiijiyay in kooxo gurmad iyo samatabbixin ah si degdeg ah loogu diray goobaha uu saameeyay dhulgariirku.
Ugu yaraan laba kooxood ayaa gaaray tuulooyinka ku dhow halka uu dhulgariirku ka dhacay si ay u qiimeeyaan xaaladda iyo khasaaraha ka dhashay.
Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiintu ma shaacin wax khasaare naf ama hanti ah oo ka dhashay dhulgariirka, hase yeeshee baaritaanno iyo qiimeyn ayaa weli socda.
Iiraan waxay ka mid tahay dalalka dunida ee sida joogtada ah ay u saameeyaan dhulgariirrada, maadaama ay ku taallo aag ay ku kulmaan dhowr saxan oo dhulka hoostiisa ah, taasoo kordhisa halista musiibooyinka noocan oo kale ah.
Mas’uuliyiinta gurmadka ayaa sheegay in wixii warar cusub ee ku saabsan khasaaraha ama saameynta dhulgariirka la shaacin doono marka ay soo dhammaadaan qiimeynta ay wadaan kooxaha gurmadka.
From the comments