Goobjoog

Wararka Caalamka

Ciidamada Mareykanka oo Weerar ku Qaaday Xarun Dayactirka Maraakiibta iyo Gujisyada Iiraan

Ciidamada Mareykanka ayaa weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday xarun lagu dayactiro gujisyada iyo maraakiibta dagaalka ee dalka Iiraan, sida uu shaaciyay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).

Qoraal lagu baahiyay barta X, CENTCOM ayaa sheegay in weerarka dhacay habeenkii Axadda uu si weyn u wiiqay awoodda Iiraan ee ay ku weerari karto maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka gobolka.

Taliska ayaa xusay in hawlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada Mareykanka ee lagu ilaalinayo amniga maraakiibta ganacsiga iyo xorriyadda isu-socodka badda, xilli ay sare u kaceen xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Warku ma bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jirto jawaab rasmi ah oo dowladda Iran ay ka bixisay dhacdadan illaa hadda.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo isu-socodka maraakiibta caalamiga ah.

Get Goobjoog updates

From the comments