MUQDISHO (Goobjoog News) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyey waqtiga uu bilaabanayo diiwaangelinta ururrada siyaasadda ee doonaya inay ka qaybqaataan hannaanka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray 31-ka Oktoobar 2026 ayuu ku sheegay in diiwaangelinta ururrada siyaasadda ay bilaaban doonto 1-da Nofeembar 2026, islamarkaana ay dhammaan doonto 22-ka Nofeembar 2026.
Guddiga ayaa sheegay in tallaabadan ay waafaqsan tahay waajibaadkiisa sharciyeed, gaar ahaan qodobbada 10-aad, farqaddiisa 4-aad, ee Sharciga Dhisidda Guddiga iyo qodobka 7-aad, farqaddiisa (J), ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.




From the comments