Goobjoog

Hoggaamiyaha Galmudug oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Hirshabeelle

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, oo ku guulaystay…

Hoggaamiyaha Galmudug oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Hirshabeelle

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, oo ku guulaystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar.

Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa hoggaanka cusub ee Hirshabeelle u rajeeyay guul iyo in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, iyagoo mudnaanta siinaya midnimada bulshada, dib-u-heshiisiinta, amniga, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo xoojinta dowlad-dhiska.

Sidoo kale, wuxuu xusay xiriirka walaaltinimo iyo darisnimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo dano wadaag.

Wuxuu rajo ka muujiyay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowlad-goboleed, gaar ahaan dhinacyada amniga, nabadgelyada iyo xasilloonida, si loo horumariyo danaha iyo wadajirka labada dhinac.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Galmudug ayaa hoggaanka cusub ee Hirshabeelle u rajeeyay guul iyo horumar, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada maamul.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments