Goobjoog

Cabdifitaax Xasan Afrax oo loo doortay Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle

Jowhar – Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa loo doortay Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar, isaga oo helay 79 cod. Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa hore u soo…

Cabdifitaax Xasan Afrax oo loo doortay Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle

Jowhar – Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa loo doortay Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar, isaga oo helay 79 cod.

Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, isaga oo hadda loo doortay xilka Hoggaamiye Ku-xigeenka maamulka  Hirshabeelle.

Doorashadiisa ayaa qayb ka ah doorashada hoggaanka sare ee Dowladda Hirshabeelle, taas oo lagu soo xulayo mas’uuliyiinta hoggaamin doona maamulka muddada soo socota.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments