Goobjoog

Dhaqaalaha Dalka

Wasiir Beenebeene oo Golaha ECOSOC ee Qaramada Midoobay u soo Bandhigay Horumarka iyo Tubta Cusub ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi ah oo uu ka jeediyay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha…

Wasiir Beenebeene oo Golaha ECOSOC ee Qaramada Midoobay u soo Bandhigay Horumarka iyo Tubta Cusub ee Soomaaliya


Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi ah oo uu ka jeediyay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (ECOSOC) ku soo bandhigay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo dhismaha dowladnimada.

Wasiirka ayaa beesha caalamka horteeda ku iftiimiyay isbeddellada taariikhiga ah ee dalka ka dhacay muddooyinkii u dambeeyay, isagoo xusay guusha weyn ee laga gaaray dhammaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta ee (HIPC), qaadista cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay, iyo guulaha laga gaaray dib-u-xoreynta deegaannada dalka looga saaray Khawaarijta.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay diyaargarowga doorashooyinka qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni iyo guusha diblamaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga ku-meel-gaarka ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Beenebeene ayaa sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) uu yahay tubta rasmiga ah ee hagaysa masiirka horumarineed ee dalka, isagoo saldhig u noqon doona u-guurista horumar waara oo ku dhisan kobac dhaqaale, soo jiidashada maalgashiga, iyo xoojinta hoggaanka qaranka si tartiib-tartiib ah looga guuro ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo. Waxaa intaas dheer in Soomaaliya ay horumar weyn ka samaysay qorsheynta ku dhisan xogta dhabta ah iyo xoojinta nidaamka tirakoobka qaranka, taas oo sahashay in go’aannada lagu saleeyo caddeymo cad si loola socdo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).

Ugu dambayntii, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa ugu baaqay saaxiibbada caalamiga ah inay sii xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoo ka codsaday inay ballan-qaadyadooda u beddelaan ficil iyo mashaariic muuqda oo si toos ah u taageeraya mudnaanta qorshaha horumarineed ee dalka.

Get Goobjoog updates

From the comments

Wasiir Beenebeene oo Golaha ECOSOC ee Qaramada Midoobay u soo Bandhigay Horumarka iyo Tubta Cusub ee Soomaaliya - Goobjoog