Goobjoog

Dhaqaalaha Dalka

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis deyn loogu beddelayo mashaariic horumarineed

Soomaaliya iyo Spain ayaa magaalada Madrid ku kala saxiixday heshiis deyn loogu beddelayo mashaariic horumarineed, kaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inuu u oggolaanayo in lacagihii lagu bixin lahaa deymaha…

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis deyn loogu beddelayo mashaariic horumarineed

Soomaaliya iyo Spain ayaa magaalada Madrid ku kala saxiixday heshiis deyn loogu beddelayo mashaariic horumarineed, kaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inuu u oggolaanayo in lacagihii lagu bixin lahaa deymaha loo weeciyo maalgelinta mashaariic horumarineed oo mudnaan leh.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, heshiiska ayaa lagu saxiixay Isniintii magaalada Madrid, waxaana looga golleeyahay in deyn cafinta Soomaaliya loo beddelo maalgelinta mashaariic lagu horumarinayo adeegyada bulshada, lagu dhiirrigelinayo kobaca dhaqaalaha, isla markaana gacan ka geysanaya gaaritaanka yoolalka horumar waara ee dalka.

Dowladda Soomaaliya waxaa munaasabadda saxiixa ku matalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Suleymaan Sheekh Cumar, kaas oo uga mahadceliyay dowladda Spain iyo saaxiibbada horumarinta taageerada ay u fidiyeen hirgelinta heshiiskan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskani uu suuragelinayo in lacagihii loogu talagalay bixinta deymaha loo weeciyo maalgelinta mashaariic horumarineed oo mudnaan leh, gaar ahaan kuwa diiradda saaraya adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha ee muddada dheer.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ma shaacin qiimaha deymaha uu heshiisku daboolayo, mashaariicda maalgelinta heli doonta iyo jadwalka rasmiga ah ee hirgelinta.

Heshiiskan ayaa imanaya kaddib markii Soomaaliya ay sannadkii 2023 si guul leh u dhammaystirtay Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Badan (HIPC), kaas oo si weyn u dhimay culayskii deynta dibadda isla markaana dib ugu soo celiyay awoodda dalka ee helitaanka maalgelinta caalamiga ah.

Spain ayaa ka mid ah dalalka caalamka ku dhiirrigeliya heshiisyada deynta loogu beddelo horumarinta, iyadoo la kaashanaysa Bangiga Adduunka si loo sameeyo hannaan u oggolaanaya dowladaha inay lacagaha deymaha u weeciyaan barnaamijyada horumarineed.

Mas’uuliyiin ayaa sheegay in heshiiskan cusub la filayo inuu sii xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Spain, isla markaana dhaqaalaha loo weecin doono mashaariic lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kor u qaadidda heerka nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Get Goobjoog updates

From the comments