Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaqday tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka soo saarista kheyraadka dabiiciga ah, ka dib markii ay shaacisay in dhowaan la bilaabi doono qodista ceel shidaal oo lagu magacaabo Holhol, kaas oo ku yaalla degmada Xudun ee gobolka Sool.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada is-daba-joogga ah ee ay dowladda ku dardargelinayso sahminta iyo horumarinta khayraadka shidaalka iyo tamarta ee dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa xaqiijiyay in ceelka Holhol uu ka mid yahay saddex ceel oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sanadkii 2024 ku wareejisay shirkadda Golfsom, oo ay wada leeyihiin maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo Qatariyiin.
Agaasimaha ayaa xaqiijiyay in heshiiskaas ka dib ay hadda dowladda iyo shirkaddu isku diyaarinayaan in si dhowaan ah loo bilaabo qodista rasmiga ah. Ceelka Holhol ayaan ahayn goob ku cusub khariidadda tamarta dalka, balse wuxuu ka mid yahay goobihii shidaalka ee hore loogu sameeyay sahanno kala duwan xilligii dowladihii hore ee dalka.
Qorshaha hadda dib loo bilaabay ayaa ujeedkiisu yahay in lagu xaqiijiyo baaxadda keydka shidaal ee deegaankaas ku jira iyo fursadaha dhaqaale ee ka dhalan kara.
Haddii qorshahan uu u hirgalo siday madaxtooyada iyo wasaaraddu u muddeeyeen, Holhol wuxuu noqon doonaa ceelkii labaad ee ay Dowladda Soomaaliya si rasmi ah u guda gasho qodistiisa.
Tallaabadan ayaa daba-socota ceelka Curad-1, oo ah mashruuca ugu horreeya ee qodista shidaalka badda Soomaaliya, kaas oo ku yaalla biyaha u dhexeeya magaalooyinka Mareeg iyo Xarardheere ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Isku-dhafka qodista shidaalka badda iyo berriga ayaa loo arkaa weji cusub oo dhabaha u xaaraya isbeddel ballaaran oo ku yimaada ilaha dhaqaalaha iyo iskufilnaanshaha maaliyadeed ee dalka.
From the comments