Goobjoog

Arrimaha Amniga

Maamulka Puntland oo war ka soo saaray dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay xiisaddii hubeysneyd ee ka taagnayd deegaanka Laag ee duleedka magaalada Boosaaso, taas oo u dhexeysay ciidamada ammaanka Puntland iyo ciidanka gaarka ah ee PSF.

Puntland ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamadeedu fuliyeen lagu soo afjaray koox hubeysan oo ay ku eedeysay inay taageero ka helayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka maamulka, ciidanka PSF waxay Puntland ku eedeysay inay qorsheynayeen falal lagu wiiqayo amniga, xasilloonida, wadajirka iyo dowladnimada Puntland.

Sida ay Puntland sheegtay, ciidankeeda ayaa gacanta ku dhigay gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo maxaabiis, iyadoo sidoo kale la sheegay in la baadi-goobayo xubno kale.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo habeenkii xalay ay iska horimaadyo hubeysan ka dhaceen magaalooyinka Xaafuun iyo Qardho. Magaalada Xaafuun ayaa la sheegay in ay isku dhaceen ciidamo ka kala tirsan PSF iyo PMPF, halka magaalada Qardho rasaas lagu weeraray hotel, taas oo sare u sii qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee Puntland.

Ilaa iyo hadda, taliska ciidanka PSf iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha ay Puntland u jeedisay, dhanka kalena, lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo xaaladda deegaannadaasi ay weli tahay mid kacsan.

Get Goobjoog updates

From the comments