Goobjoog

Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

MUQDISHO (Goobjoog News) – Gaashaanle Sare Maxamed Cabdiqaadir “Shariif” ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo…

Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

MUQDISHO (Goobjoog News) – Gaashaanle Sare Maxamed Cabdiqaadir “Shariif” ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo maanta ka dhacday Muqdisho.

Maxamed Cabdiqaadir ayaa xilka kala wareegay Sareeye Guuto Cabdiwahaab oo ahaa taliyihii hore ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Xil-wareejinta, Sareeye Gaas Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood), iyo saraakiil ka tirsan hoggaannada iyo talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Xil-wareejinta ayaa bogaadiyey shaqadii iyo dadaalkii uu soo qabtay taliyihii hore muddadii uu xilka hayey, isaga oo sidoo kale hambalyo u diray taliyaha cusub, una rajeeyey inuu si hufan u guto masuuliyadda loo igmaday.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments