Goobjoog

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay wararka duqeymaha diyaaradaha Turkiga ee Leego

Muqdisho, 27 Oktoobar 2026 – Xafiiska Amniga Qaranka ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray wararka la xiriira diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga,…

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay wararka duqeymaha diyaaradaha Turkiga ee Leego

Muqdisho, 27 Oktoobar 2026 – Xafiiska Amniga Qaranka ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray wararka la xiriira diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, kuwaas oo la sheegay inay 26-kii Oktoobar 2026 duqeymo ka geysteen fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay inaysan jirin weerar si khalad ah loogu bartilmaameedsaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, inkasta oo qoraalku uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin dhacdada la xiriirta duqeymaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in xiriirka iskaashiga ee kala dhexeeya Turkiga uu yahay mid istiraatiiji ah, kaas oo salka ku haya dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, xoojinta amniga iyo ilaalinta nabadda.

Sidoo kale, Xafiiska Amniga Qaranka ayaa ugu baaqay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay xogaha ka qaataan ilaha rasmiga ah ee dowladda, si looga fogaado faafinta wararka aan la xaqiijin ee saameyn ku yeelan kara kalsoonida shacabka iyo ciidamada amniga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku celisay inay ka go’an tahay ilaalinta badqabka shacabka, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments