Goobjoog

Masar oo Ciidamo u Soo Diraysa Soomaaliya Ka Hor Ku Biirista AUSSOM

Dowladda Masar ayaa qorshaynaysa inay ciidamo milatari u soo dirto Soomaaliya, iyadoo la raacayo heshiis iskaashi milatari oo laba geesood ah, ka hor inta aan ku dhowaad 1,000 askari lagu darin howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Warbixin uu wargeyska The East African daabacay 25-kii Oktoobar ayaa sheegtay in ciidamada ugu horreeya ee Masar la filayo inay noqdaan cutub milatari oo baaxad ahaan u dhigma guuto, kaas oo ay weheliyaan ciidamo taageero iyo adeegyo kale.

Ciidamada ayaa la qorsheynayaa in la geeyo gobolka Shabeellaha Dhexe ee waqooyiga magaalada Muqdisho, ayadoo  sidoo kale xarun talis oo xeeladaysan looga sameynayo deegaanka Ceelcade, oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Ciciley, halkaas oo ay hadda joogaan ciidamada Burundi ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika.

Qorshahan ayaa imanaya iyadoo Masar ay xoojinayso iskaashigeeda milatari ee Soomaaliya, isla markaana ay isu diyaarinayso inay qayb ka noqoto dadaallada taageerada amniga iyo xasilinta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha ciidamo marka hore ku imaanaya heshiis laba geesood ah, ka dibna ku biiraya AUSSOM, ayaa dhalin kara su’aalo la xiriira isku-duwidda howlgalka, kala dambaynta taliska iyo sida ciidamada Masar ula shaqayn doonaan kuwa kale ee Midowga Afrika.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments