Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska Soomaaliyeed ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka fuliyeen xaafadda KPP ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho, ku qabtay nin lagu magacaabo Xasan Nuur Muuse, oo loo yaqaanno Makane iyo Cali Sabti, kaas oo ay hay’adaha amnigu ku eedeeyeen inuu qorsheynayay falal amni-darro.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA soo saartay, ciidamada amniga ayaa ka shakiyay dhaqdhaqaaqa ninkan, kaddib markii ay ka dareemeen xaafadda. Hay’addu waxay sheegtay in ninku isku dayay inuu baxsado, isla markaana uu iska tuuray bam-gacmeed uu watay, balse ciidamada ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigay isaga oo badqaba.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka ay ka qeyb qaateen ciidamada Ilaalada Shacabka ee hay’adda, kuwaas oo u tababaran ka hortagga falalka amni-darrada iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada ay u arkaan kuwo khatar ku ah amniga shacabka.




From the comments