Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Cammaan ee dalka Urdun, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun, Sarreeye Guud Yuusuf Al-Xunaydi.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Urdun, iyadoo si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga gobolka iyo caalamka.
War ka soo baxay Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in la ballaariyo wada shaqeynta dhinacyada tababarka ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari iyo horumarinta awoodda ciidamada labada dal.
Taliyaha Ciidamada Urdun, Sarreeye Guud Yuusuf Al-Xunaydi, ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Urdun uu door muhiim ah ka qaadan karo kor u qaadista amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan caqabadaha amni ee ka jira gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay heerka xirfadeed iyo horumarka ay gaareen ciidamada Urdun, isaga oo xusay in Soomaaliya ay danaynayso inay ka faa’iidaysato khibradda Urdun ee dhinacyada tababarka, tayeynta ciidamada iyo dhismaha awoodda difaaca dalka.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay adkeynta xiriirka difaaca ee u dhexeeya labada dal, iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu sidoo kale saxiixay diiwaanka martida sharafta ee taliska ciidamada Urdun.
From the comments