Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa kulan la yeeshay Xoghayaha Dowladda ahna Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Ruushka, Igor Zubov, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga amni ee labada dal.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray tababarka iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha booliska, iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira sugidda amniga.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa dhiggiisa Ruushka kala hadlay sidii loo ballaarin lahaa taageerada Ruushka ee tababarrada booliska, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo wax ka qabashada sababaha keena xagjirnimada.




From the comments