Muqdisho, Soomaaliya — Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud.
Labadan eedeysane ayaa lagu qabtay iyagoo watay laba qori oo nooca AK-47 ah, sida ay sheegtay Hay’adda NISA, waxaana la tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilinta deegaannada.
Howlgalkan ayaa daba socda go’aanno uu dhawaan degmada Balanballe kaga dhawaaqay Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, xilli uu ka qeyb galayay gogol nabadeed oo halkaasi ka dhacday.


From the comments