MUQDISHO, Soomaaliya — Sarkaalka sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Israa’iil ay ciidamo kooban u soo dirtay Somaliland horraantii sannadkan, taasi oo qeyb ka ah heshiisyo dhanka ammaanka ah oo ay wada galeen labada dhinac, sida uu qoray wargayska caanka ah ee Middle East Eye.
Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in warbixinnada sirdoonka Soomaaliya ay muujinayaan in Israa’iil ay Somaliland u soo dirtay ilaa 50 askari oo ka tirsan ciidankeeda.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Israa’iil ay noqotay maamulkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland bishii Diseembar ee sannadkii hore, iyadoo bishii Abriil ee sannadkanna ay u magacawday danjirihii ugu horreeyay ee u fadhiya Hargeisa taasoo si cad uga hor imaanaysa Madax banaanida Soomaaliya.
Waxaa si weyn u diiday Aqoonsi benaadka maamulka Israaiil dalalka Adduunka badan kood kuwaasoo taageero u muujiyay Soomaaliya.
Istiraatiijiyadda Ciidamada la Keenay
Sida uu sheegay sarkaalka hadlay, ciidamada Israa’iil ay u soo dirtay Somaliland waxaa si ula kac ah loogu soo xulay askar asal ahaan ka soo jeeda qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwa Yuhuudda Itoobiya (Falashee-ga).
Tallaabadan ayaa loo sameeyay si aysan u soo jiidan indhaha bulshada dhexdeeda, ayna si fudud u dhex-galaan shacabka deegaanka.
Wakaaladda wararka ee CNN ayaa iyaduna hore u werisay in Somaliland ay Israa’iil siisay saldhigyo iyo goobo ciidan oo qarsoodi ah, kuwaas oo loo isticmaali karo saadka iyo meelaha ay ka duulaan diyaaradaha Israa’iil marka ay fulinayaan howlgallada fog-fog.
Sidoo kale, khubaro badan ayaa rumeysan in Tel Aviv ay raadinayso saldhig dhanka badda ah oo ay ka hesho Badda Cas si ay uga hortagto hanjabaadaha kaga imaanaya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Jawaabaha Labada Dhinac
Wargayska Middle East Eye ayaa xiriir la sameeyay milatariga Israa’iil, balse waxay ka gabsadeen inay faahfaahin toos ah bixiyaan, iyagoo sheegay in arrintani ay khuseyso hoggaanka siyaasadda dalkaas. Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa markii dambe warbixintan ku tilmaamtay “War been abuur ah” (Fake News).
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa beeniyay in Israa’iil ay saldhig ciidan ku leedahay deegaanadooda, balse wuxuu xaqiijiyay inuu jiro iskaashi, isagoo yiri: “Israa’iil ma laha wax saldhig ah oo Somaliland dhexdeeda ah, laakiin waxay nagu taageerayaan tababarka qaar ka mid ah ciidankeena booliska iyo milatariga.”
Tallaabooyinkan ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, uu sheegay inay Somaliland muddo dheer si qarsoodi ah u wada shaqaynayeen, haddana ay go’an tahay inay iskaashigaas dhanka ammaanka ah gaarsiiyaan heerarkii ugu sarreeyay.
Biiritaanka ciidamada Israa’iil ee gobolka ayaa la rumeysan yahay inay sii kicin karto xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas.
From the comments