Goobjoog

Arrimaha Amniga

Maamulka Waqooyi Bari oo mamnuucay ku dhex qaadashada Hubka ee magaalooyinka deegaannadaas

Maamulka Waqooyi Bari ayaa mamnuucay in magaalooyinka deegaannadaas lagu dhex qaato hub ay wataan cid aan ka tirsanayn ciidamada ammaanku.

Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa soo saartay wareegto ay ku mamnuucayso in hub lagu dhex qaato magaalooyinka waaweyn ee maamulka, gaar ahaan ciddii aan ka tirsaneyn ciidamada amniga.

Wareegtada oo ku taariikhaysan 28-ka Juun, 2026, ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay adkaynta amniga iyo sugidda nabadgelyada, iyadoo la farayo Taliska Ciidanka Booliska inuu si degdeg ah u dhaqan-geliyo amarkan.

Sida ku cad qoraalka, ciidamada booliska ayaa lagu amray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto hub iyadoo aan sharci u haysan ama aan ka tirsaneyn hay’adaha amniga.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in tallaabadan lagu xoojinayo fulinta xeerarka amniga iyo awaamiirta dowladda, ayadoo ay tallaabadani ku soo beegmayso maalmo ka dib dhacdadii dhiigga badani ku daatay ee deegaanka Aricaddeeye.

Get Goobjoog updates

From the comments