MUQDISHO, Soomaaliya — Hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan dhammaan shakhsiyaadkii ku labisnaa dharka ciidanka qaranka, kuwaas oo dhawaan ka soo muuqday muuqaal aad loogu baahiyay baraha bulshada.
Dhallinyaradan ayaa muuqaalka lagu arkay iyagoo si anshax-darro ah ugu istaagaya calanka dalka Mareykanka, isla markaana ku xadgudbaya magaca, qiimaha, iyo anshaxa suubban ee ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Qoraal rasmi ah oo weheliya sawirrada eedaysanayaasha ayaa lagu caddeeyay in si toos ah u bilowdeen baaritaannada rasmiga ah ee lagu samaynayo afartan dhallinyarada ah ee kiiskan loo soo qabtay, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdikhadar Mahad Cumar Cosoble oo 22 sano jir ah, Maxamed Raage Xuseen Maxamed oo 16 sano jir ah, Muudey Faysal Muudey Aways oo 17 sano jir ah, iyo Maxamed Amiin Qaasim Muuse oo 15 sano jir ah.


From the comments