Wararka laga helayo deegaanno kala duwan oo ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay dhaceen iska horimaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan PSF iyo PMPF, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo amniga gobolka.
Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin iyo dad goobjoogayaal ah, magaalada xeebta ku taalla ee Xaafuun waxaa ka dhacay is-rasaasayn dhex martay ciidamo ka tirsan labada dhinac.
Dhanka kale, magaalada Qardho ayaa lagu soo warramayaa in rasaas lagu furay Hotel halkaas ku yaalla, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay dhacdadaas iyo khasaaraha ka dhashay.
Dhacdooyinkan ayaa lagu soo warramayaa inay xiriir la leeyihiin xiisadda ka taagan deegaanka Buundada Laag ee duleedka Boosaaso, halkaas oo ay saacado ka hor is rasaaseeyeen ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ee hadda hoostaga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay iska horimaadyadan, waxaana ay wararku intaas ku darayaan in Puntland dhankeeda ay waddo abaabul ciidan oo ka dhan ah xoogagga dawladda Soomaaliya hoostaga ee ku sugan deegaannadeeda.
Dhanka kale, odayaal dhaqameed ayaa wada dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda lagana hortago in dagaalladu sii fidaan.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdooyinkan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda iyo khasaaraha ka dhashay iska horimaadyada.
From the comments