Goobjoog

Arrimaha Amniga

Al-Shabaab oo Beddelaysa Habdagaalkeeda: Istiraatiijiyad Qorshaysan mise Isbeddel lagu Qasbay?

Machadka Saldhig ayaa Luulyo 2026 soosaaray daraasad cusub oo cinwaankeedu yahay “Isbeddelka Al-Shabaab: Ma Istiraatiiji Baa mise waa Mid lagu Qasbay?” Daraasaddu waxay qiimayn ku samaynaysaa isbeddellada ka dhacay dhinacyada…

Machadka Saldhig ayaa Luulyo 2026 soosaaray daraasad cusub oo cinwaankeedu yahay “Isbeddelka Al-Shabaab: Ma Istiraatiiji Baa mise waa Mid lagu Qasbay?” Daraasaddu waxay qiimayn ku samaynaysaa isbeddellada ka dhacay dhinacyada istiraatiijiyadda, hawlgallada militari, maamulka iyo adeegsiga tiknoolajiyadda ee Al-Shabaab.

Su’aasha saldhigga u ah daraasaddu waxay tahay in isbeddellada kooxda ay ka dhasheen qorshe fog oo ay si madaxbannaan u dejisay, iyo in kale inay ahaayeen jawaabo degdeg ah oo ay ku khasbeen gulufyada militari, duqaymaha cirka, abaabulka bulshada, isbeddellada ciidamada Midowga Afrika iyo cadaadisyada dhaqaale.

Gunaanadka guud ee daraasaddu uma kala saarayo labadaas arrimood si buuxda. Waxay tilmaamaysaa in Al-Shabaab markii hore isbeddellada badankood lagu khasbay, balse ay marar badan ku guulaysatay in cadaadisyadaas ay u beddesho fursado ay dib ugu qaabayso qaabhawleedkeeda.

Koox ka Gudbaysa Dagaal Toos ah

Daraasaddu waxay ku doodaysaa in Al-Shabaab ay si tartiib ah uga soo wareegtay habkii ku dhisnaa qabsashada dhulal ballaaran iyo dagaallo fool-ka-fool ah, una gudubtay dagaal daba dheeraada oo ujeeddadiisu tahay daalinta Dawladda iyo ciidammada taageera.

Isbeddelkan waxaa ka mid ah:

  • In la yareeyo ku tiirsanaanta gacan-ku-haynta joogtada ah ee dhulka;
  • In la adeegsado weerarro kedis ah iyo xeeladda ku dhufo oo ka dhaqaaq;
  • In la ururiyo xog sirdoon muddo dheer ah ka hor hawlgallada;
  • In ciidamada iyo sahayda la ururiyo xilli aan bartilmaameedku filayn;
  • Iyo in weerarka lagu beego waqti kooxdu filayso in difaaca dhinaca kale uu nugul yahay.

Daraasaddu waxay sheegaysaa in gulufkii ay Dawladda Soomaaliya bilowday sannadkii 2022 uu dhaawacay dacaayaddii muddada dheer ay kooxdu ku faafinaysay in ciidammada Soomaaliyeed aysan awood u lahayn inay iskood isaga caabbiyaan. Cadaadiskaas ayaa ku khasbay kooxda inay dib ugu noqoto dagaalka dhuumaalaysiga, weerarrada degdegga ah iyo kala firdhinta awooddeeda. Ka fogaanshaha dagaallada fool-ka-foolka ah mar walba ma aha calaamad muujinaysa tabar dheeraad ah, balse wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa in kooxdu iska ilaalinayso khasaaraha culus ee ay kala kulmi karto ciidan abaabulan iyo duqeymo cirka ah.

Tiknoolajiyadda iyo Sirdoonka

Mid ka mid ah isbeddellada ugu muuqda ee daraasaddu tilmaamayso waa ballaarinta adeegsiga tiknoolajiyadda. Kooxdu waxay ka faa’iidaysanaysaa internedka, taleefannada gacanta, isgaarsiinta qarsoon, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo baraha bulshada, iyadoo u adeegsanaysa isku dubbaridka hawlgallada, ururinta xogta, dabagalka bartilmaameedyada iyo baahinta dacaayaddeeda.

Adeegsiga tiknoolajiyadda kuma koobna qalab dagaal. Waxa kale oo uu taabanayaa:

  • Diiwaangelinta xogta maaliyadeed;
  • La socodka dhaqdhaqaaqyada bulshada;
  • Xulashada bartilmaameedyada;
  • Faafinta farriimaha cabsi-gelinta;
  • Iyo isku xirka unugyada ku kala sugan degaanno kala duwan.

Tani waxay muujinaysaa in la dagaallanka Al-Shabaab uusan ku koobnaan karin furimaha dagaalka oo keliya. Waxa loo baahan yahay awood sirdoon dijitaal ah, dabagal dhaqaale, ilaalinta xogta hay’adaha iyo kahortagga dacaayadaha internedka.

Maamul Hoosaadyo aan ku Xirnayn Qabsashada Magaalooyinka

Daraasaddu waxay Al-Shabaab ku tilmaamaysaa urur isku dhafan oo mideeya dagaal hubaysan, ururinta dakhliga, garsoor, maamul, faragelin bulsho iyo hawlo warbaahineed.

Kooxdu uma baahna inay si muuqata u joogto magaalo kasta si ay saameyn ugu yeelato. Waxay adeegsan kartaa hanjabaad, shabakado canshuureed, wakiillo qarsoon, maxkamado iyo xiriir ay la samaysato qaar ka mid ah odayaasha ama ganacsatada.

Daraasaddu waxay tilmaamaysaa in meelaha Dawladdu ka gaabiso adeegyada, caddaaladda ama amniga, ay kooxdu isku daydo inay buuxiso farqigaas ama ugu yaraan ay sheegato waxqabad ay bulshadu iyadu qabatay. Sida ay warbixintu u dhigeyso, awoodda Al-Shabaab mararka qaarkood waxay noqotaa muuqaal ka tarjumaya daloollada maamulka Dawladda.

Arrintani waxay iftiiminaysaa in guusha militari aysan waari karin haddii degaannada la xoreeyo aysan si degdeg ah u helin:

  • Maamul shaqaynaya;

  • Amni joogto ah;

  • Garsoor la isku halayn karo;

  • Adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada;

  • Iyo hannaan dhaqaale oo bulshada u abuuraya nolol iyo shaqo.

Maqnaanshaha adeegyadaas wuxuu kooxda siin karaa fursad ay dib ugu dhisto shabakadaheeda, xitaa iyadoo aan si rasmi ah magaalada dib ugu qabsan.

Xiriirka Bulshada: Cabsi oo Lagu Daray Dhexgal

Xiriirka Al-Shabaab iyo bulshooyinka degaannada ayaan hadda ku dhisnayn cabsi-gelin oo keliya, sida ay daraasaddu sheegtay. Waxaa ku milmay qasab, bixinta adeegyo xaddidan, faafin fikradeed, xiriir bulsho iyo ka faa’iidaysiga duruufaha dhaqaale. Shaqo la’aanta, saboolnimada, abaaraha soo noqnoqda iyo maqnaanshaha fursadaha waxbarasho ayaa fududayn kara qorista xubnaha cusub iyo faafinta farriimaha kooxda.

Qorista xubnaha cusub waxay daraasaddu ku tilmaamaysaa isku dhaf ka kooban:

  • Qasab iyo cabsi-gelin;
  • Ballanqaad dhaqaale;
  • Adeegyo ama ilaalin;
  • Barbaarin fikradeed;
  • Iyo ka faa’iidaysiga cabashooyinka maxalliga ah.

Sidaas awgeed, hawlgal militari oo aan la socon shaqo-abuur, waxbarasho, dibuheshiisiin iyo ilaalinta dadka nugul ma xannibi karo ilaha ay kooxdu ka hesho xubnaha cusub.

Isbeddelka Bartilmaameedyada

Daraasaddu waxay sheegaysaa in kooxda ay waqtiyadii danbe xoogga sii saartay bartilmaameedyada militariga, xarumaha Dawladda iyo kaabeyaasha muhiimka ah, marka loo eego weerarro waaweyn oo aan kala sooc lahayn. Hasayeeshee, arrintan looma fasiri karo inay kooxdu ka tanaasushay waxyeellaynta rayidka. Al-Shabaab weli waxay mas’uul ka tahay dilal, qaraxyo, hanjabaado, baad iyo weerarro waxyeello ba’an u geysta bulshada rayidka ah. Isbeddelka xulashada bartilmaameedyadu wuxuu u badan yahay xisaab istiraatiiji ah: kooxdu waxay doonaysaa inay dhaawacdo awoodda Dawladda, iyadoo isla waqtigaas yaraynaysa falalka ka dhalin kara kacdoon bulsho oo ballaaran oo iyada ka dhan ah.

Al-Qaacidda: Xiriir Astaan u Badan

Xiriirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda waxaa si rasmi ah loo shaaciyey sannadkii 2012. Xilligaas, xiriirku wuxuu kooxda siiyey sumcad caalami ah, tababar, khibrad hawlgal, aqoon ku saabsan qaraxyada iyo taageero warbaahineed. Daraasaddu waxay ku doodaysaa in xiriirkaasi sannadihii danbe ka soo wareegay iskaashi firfircoon, una gudbay xiriir u badan astaan iyo dhaxal fikradeed.

Waxyaabaha hoos u dhigay xiriirka wax-ku-oolka ah waxaa ka mid ah:

1. Hoggaanka Al-Shabaab oo mudnaanta siiyey sii jiritaanka kooxda iyo dakhliga gudaha;

2. Cadaadiska amni iyo cunaqabataynta oo adkeeyey xiriirka joogtada ah;

3. Kala duwanaanshaha mudnaanta labada dhinac;

4. Iyo Al-Shabaab oo si isa soo taraysa ugu dhaqmeysa kacdoon maxalli ah oo diiradda saaraya Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, hoos u dhaca xiriirka hawlgal ma aha in la macneeyo inuu dhammaaday xiriirka fikradeed ama magaca Al-Qaacidda.

Xiriirka Xuutiyiinta: Danaha oo ka Sarreeya Mabda’a

Qeybta ugu muranka badan daraasadda waxay ku saabsan tahay xiriir la sheegay inuu soo ifbaxayo oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen.

Machadka Saldhig wuxuu ku doodaya in xiriirkaasi ku dhisan yahay dano militari, saadka iyo waaqaca gobolka, halkii uu ka ahaan lahaa aragti diimeed oo la wadaago.

Haddii sheegashadan lagu xaqiijiyo ilo madaxbannaan, waxay muujin kartaa in kooxda ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhinacyo aysan isku aragti ahayn, haddii xiriirkaasi xoojinayo awooddeeda, sahaydeeda ama badbaadadeeda.

Daraasaddu waxay arrintan u adeegsanaysaa daliil muujinaya in sii jiritaanka ururka, ilaalinta dhaqaalaha iyo xoojinta awoodda militari ay kooxda uga mudan yihiin ku dhegganaanshaha adag ee mabda’a.

Hasayeeshee, xiriirrada qarsoon ee kooxaha hubaysan waa kuwo ay adag tahay in si madaxbannaan loo xaqiijiyo. Sidaas darteed, sheegashooyinka ku saabsan baaxadda iskaashiga Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta waxay u baahan yihiin baaritaan dheeraad ah iyo xaqiijin laga helo ilo kala duwan.

Ma Jirtaa Suurtagalnimo Wadahadal?

Daraasaddu waxay tilmaamaysaa in gudaha Al-Shabaab ay ka jiraan laba jiho oo waaweyn: garab mayal-adag iyo garab dhab-ku-nool ah oo ka dabacsan dhinaca siyaasadda. Garabka danbe waxaa la sheegay inuu xaalado gaar ah tixgelin karo dib-u-qaabaynta xiriirka Al-Qaacidda ama wadahadal siyaasadeed, haddii arrintaasi ilaalinayso jiritaanka ururka ama ay u horseedayso faa’iidooyin waaweyn. Tani macnaheedu ma aha in wadahadal dhow uu bilow noqonayo, ama in kooxda oo dhan ay diyaar u tahay xal siyaasadeed. Daraasaddu waxay sheegaysaa oo keliya in gudaha ururka ay ka socoto dood aan weli la xallin oo ku saabsan heerka dabacsanaanta iyo in wadahadalku mustaqbalka noqon karo ikhtiyaar.

Go’aanka ugu danbeeya wuxuu ku xirnaan karaa garabka gacanta ku haya hoggaanka, xaaladda dagaalka iyo waxa dhinacyadu miiska wadahadalka keeni karaan.

Istiraatiijiyad Mise Qasab?

Daraasaddu waxay qiraysaa in caddeymaha ugu badan ay taageerayaan aragtida ah in Al-Shabaab isbeddellada badankood lagu khasbay. Isbeddellada ciidamada Midowga Afrika, gulufkii 2022, duqeymaha cirka, abaabulka beelaha iyo abaaraha ayaa dhammaantood ahaa cadaadisyo dibadda uga yimid oo kooxda ku qasbay inay beddesho habdhaqankeeda. Laakiin qasab iyo istiraatiijiyad ma aha laba arrimood oo gebi ahaan iska soo horjeeda. Urur waxaa lagu qasbi karaa inuu beddel sameeyo, dabadeedna wuxuu isbeddelkaas u qaabayn karaa hannaan muddo dheer shaqaynaya.

Al-Shabaab waxay u muuqataa inay cadaadiska uga falceliso saddex marxaladood:

1. Badbaado degdeg ah: kala firdhin, dib-u-gurasho ama beddelidda bartilmaameedyada;

2. Laqabsi hawlgal: dib-u-qaabaynta weerarrada, sirdoonka iyo dhaqaalaha;

3. Istiraatiijiyad cusub: in la-qabsigii ku-meelgaarka ahaa loo beddelo hannaan joogto ah.

Sidaas darteed, jawaabta su’aasha daraasaddu waa: isbeddelka Al-Shabaab wuxuu ku bilowdaa qasab, balse marar badan wuxuu isu beddelaa istiraatiijiyad.

Maxay Tani uga Dhigan Tahay Dawladda Soomaaliya?

Daraasaddu waxay xambaarsan tahay digniin muhiim ah: lagama adkaan karo Al-Shabaab iyadoo lagu koobo tirada degaannada laga saaray ama weerarrada laga hortagay.

Jawaabta Dawladdu waa inay isku xirtaa:

1. Hawlgallada Militari iyo Maamulka: Degaan kasta oo laga saaro kooxda waa in isla markiiba la geeyo maamul, boolis, garsoor iyo adeegyo. Dibudhac kastaa wuxuu abuuri karaa firaaq ay shabakadaha kooxda dib ugu soo laabtaan.

2. Sirdoonka iyo Tiknoolajiyadda: Hay’adaha amniga waa inay horumariyaan awooddooda dabagalka dijitaalka, isgaarsiinta, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xogwadaagga iyo ka hortagga weerarrada internedka.

3. Ladagaallanka Dhaqaalaha Kooxda: Dagaalka ugu waara wuxuu taabanayaa ilaha dakhliga, nidaamka baadda, xawaaladaha qarsoon iyo ganacsatada lagu khasbo bixinta lacagaha.

4. Ilaalinta Bulshada: Bulshada waa inaan lagu dhex cadaadin kooxda iyo hay’adaha amniga. Kalsoonida dadweynaha, caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda rayidka ayaa muhiim u ah helidda xogta iyo xannibidda qorista xubnaha cusub.

5. Midnimada Siyaasadeed: Khilaafaadka siyaasadeed, siyaasadaynta hay’adaha amniga iyo tartanka doorashooyinka ayaa wiiqi kara hawlgallada. Daraasaddu waxay tilmaamaysaa in firaaqa siyaasadeed iyo maamulxumadu ay siin karaan kooxaha hubaysan meel ay ka faa’iidaystaan.

Gunaanad

Daraasadda Machadka Saldhig waxay soo bandhigaysaa Al-Shabaab oo aan ahayn koox ku shaqaysa hal qaab oo aan isbeddelin, balse ah urur la qabsada cadaadiska, dib u habeeya hawlgalladiisa, islamarkaana isku dara dagaal, dhaqaale, maamul, garsoor iyo dacaayad. Awoodda ugu weyn ee kooxdu ma aha oo keliya hubka ay haysato. Waa awoodda ay uga faa’iidaysato kalaqeybsanaanta siyaasadeed, maqnaanshaha adeegyada, tabar-darrada maamulka iyo gaabiska hay’adaha Dawladda. Sida daraasaddu ku soo gunaanadayso, mudnaanta hoggaamisa go’aannada kooxda waa sii jiritaanka ururka, xaqiijinta ilaha dhaqaale iyo xoojinta awoodda militari. Taasi waxay ka dhigan tahay in guusha laga gaarayo Al-Shabaab aysan ku xirnayn hawlgal ciidan oo keliya. Waxay u baahan tahay Dawlad ka dhaqso badan kooxda, maamul ka hufan, sirdoon ka casrisan, siyaasiyiin ku mideysan amniga qaranka iyo adeegyo bulshadu si dhab ah u dareento.

Get Goobjoog updates

From the comments