Goobjoog

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay shir looga hadlayo isku-dubbaridka adeegyada bulshada

Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shir-sannadeedka Labaad ee Isku-dubbaridka Heerarka Dowladda ee Adeegyada Bulshada.…

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay shir looga hadlayo isku-dubbaridka adeegyada bulshada

Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shir-sannadeedka Labaad ee Isku-dubbaridka Heerarka Dowladda ee Adeegyada Bulshada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-dubbaridka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, si loo dardargeliyo adeegyada bulshada loona hirgeliyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee 2025–2029.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ka sugayaan waxqabad muuqda iyo adeegyo tayo leh oo si siman u gaara dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan bulshada nugul.

Waxa uu sidoo kale hay’adaha dowladda ugu baaqay inay xoojiyaan wada-shaqaynta, isla-xisaabtanka iyo dabagalka go’aannada, si qorsheyaasha dowladda loogu beddelo natiijooyin wax-ku-ool ah oo wax ka tara nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments