Muqdisho (Goobjoog News) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Eduárd Máthé, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, taageerada hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah, nabadda iyo horumarka dalka.




From the comments