Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Cabdulqaadir Cumar Macalin u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa lagu saleeyay qodobka 120-aad, farqadihiisa 2-aad iyo 3-aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la tixgeliyay taariikh nololeedka, aqoonta iyo khibradda shaqo ee Cabdulqaadir Cumar Macalin.
Sida lagu sheegay qoraalka magacaabista, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tixgeliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor inta uusan soo saarin go’aanka magacaabista wasiirka cusub.




From the comments